Maamul goboleedka jubbaland ayaa si toos ah ugu xirtay dowladda itoobiya oo xiligaan qilaaf culus oo ka dhashay heshiiskii badda uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka kaas oo dhaliyay xiisad dibloomaasiyadeed oo wayn.
Saraakiil sarsare oo ka socotay itoobiya ayaa sabtidii shalay diyaarad militari ku tagay magaaladda kismaayo ee xarunta KMG ah ee jubbaland,halkaas oo ay wada hadalo gaar ah kula leeyihiin madaxwayne axmed madoobe.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in saraakiisha itoobiyaanka ah uu qorshahooda uu yahay in madaxwaynaha dib loo doortay ay kala hadlaan xiisada soo korortay gaar ahaan qilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe.
Sidoo kale itoobiya ayaa casuuntay madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee jubbaland maxamuud sayid aadan oo isna gaaray caasimada dalkaasi ee addis ababa,waxaana diray axmed madoobe si uu wada hadalo ula soo yeesho hogaanka sare wadankaasi.
Wada hadaladaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa nooca taageerad ay xiligaan itoobiya siinayso maamulka jubbaland maadaama ay wajahayso dagaal uga imaanayo dhinaca dowladda oo ka hortimid dib u doorashadii madaxwayne axmed madoobe.
Itoobiya ayaa u muuqato inay ka dhex faa,iidaysanayso qilaafka labadda dhinac waxaana horay ciidamdo badan ay usoo gelisay gudaha soomaaliya gaar ahaan gobolka gedo kuwaas oo saldhigtay degmooyinka doolow iyo luuq ee Gobolkaas.
Dowladda federaalka oo ka war heshay qorshahaan culus ayaa dhankeeda si wayn u cambaaraysay dhaq-dhaqaaqa itoobiya,waxayna ku eedaysay inay ciidamo kusoo daabulayso gudaha dalka waxayna ku eedaysay inay ciidamo kusoo daabulayso gudaha dalka ayna iska horkeenayso qaar kamid ah beelaha soomaaliyeed.
Si kastaba xiisadda ayaa u muuqato inay weji cusub yeelanayso oo arrintu ay dagaal ku socoto,maadaama weli dowladda dhexe ay ciidamo ku daabulayso deegaanadda jubbaland.