Maamulka jubbaland ayaa kuu eedeeyay ciidanka dowladda soomaaliya ee ku sugan deegaanka raaskambooni in saaka ay weerar kusoo qaadeen ciidamo katirsan daraawiishta jubbaland oo fariisimo ku lahaa deegaano dhaca duleedka magaaladda raaskambooni.
Wasiir kuxigeenka wasaarada amniga jubbaland aadan axmed xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka dowladda oo adeegsanaya diyaarado drone ah inay saakay weerar kusoo qaadeen ciidanka jubbaland ee kusugan duleedka raaskambooni.
Waxaa uu sheegay wasiirka in weerarka dowladda soo qaaday kadib uu halkaasi ka qarxau dagaal xooggan oo labada dhinac dhexmaray,waxaana uu sheegay in dagaalka dhinacooda guulo ka gaareen ayna jabiyeen ciidanka weerarka soo qaaday.
Wasiirka ayaa sidoo kale nasiib daro ku tilmaamay in hubkii dowladda loogu deeqay markii xayiraada hubka laga qaaday in maanta lagu soo weeraro deegaanadda jubbaland,isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidankii aagga kuwada jiray maanta la iska horkeenay.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay baarayaan soona bandhigayaan diyaaradaha drone-ka ah ee maanta lagu soo weeraray cidda iska leh waxaa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda ay si qaldan u adeegsanayso diyaarado iyo hub dowladda loogu deeqay.