Taliyaha ciidamada difaaca ee dalka itoobiya jeneraal birhanu jula gelalcha oo mar kale soo hadlay ayaa u jawaabay masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka oo ku eedeeyay in itoobita ay hub soo galisay soomaaliya.
Jeneraal birhanu jula ayaa ganafka ku dhuftay eedaynta uga timid dowladda soomaaliya wuxuuna meesha ka saaray in itoobiya ay hub sharci daro ah gelisay soomaaliya.
Taliyaha ciidamada difaaca itoobiya oo hadalka sii wata ayaa ku hanjabay hadii ay sii socdaan hadalada ka imaanaya soomaaliya in itoobiya ay qaadi doonto talaabooyin kale oo dheeraad ah.
“Hadda itoobiya hub sharci ah ma gelin soomaaliya,laakiin hadii hadalada noocaas ah ay sii socdaan waxaa dhici karta in itoobiya ay qaado talaabooyin kale oo aan ahayn hubka nalagu eedaynaayo’’ayuu yiri jeneraal birhanu jula.
Hadalkaan ayaa kusoo aadayo ayada oo maalmo ka hor madaxwayne xasan shiiq uu itoobiya ku eedeeyay inay hub oo gelisay gudaha soomaaliya isla markaana ay ku wareejisay maleeshiyaad qabaa,il gudaha ah si ay uga dhex faaiidaysati colaadaasi.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ciidamada itoobiya ee jooga Gedo ku eedeeyay inay qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo wadooyinka muhiimka ee gobolkaasi.
Si kastaba eedaymaha labada dal ayaa uga sii daraya xiisada u dhaxaysa muqdisho iyo addis ababa ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu abiy la galay maamulka Somaliland.