Dagaalyahanada xamaas ee qasa waxau ku guulaysteen in ay israa,iil ka dilaan jeneraalo iyo askartii ugu badnayd.
Saraakiisha la dilay waxaa kujira Jen Ihsan Daqsa taliyihii guutada 401 aad ee ciidanka israa,ii loo 2006-dii biladda ugu saraysa ee ciidamada israa,iil la gudoonsiiyay.
Taangiyadii ugu casrisanaa ee ciidanka israa,iil ayaa qaarkood la gubay kadib dagaal culus oo ka dhacay xaafada jabalia ee waqooyiga marinka Gaza.
Xamaas ayaa u adeegsatay weeraradaan bambada Mk82 ee israa,iil ay ku riday qasa,taasoo aan qarxin balse dib loo farsameeyay.
Dhinaca kale shabakada KANN news eek u hadasha afka maamulka israa,iil ayaa goordhow sheegtau in la dhamaystiray diyaarinta nidaamka difaaca maraykanka uu geeyay israa,iil THAAD waxaana la sheegat in uu u diyaarsanyahay inuu howlgalo si uu uga qayb qaato difaaca weeraro aargoosi ah oo ka imaan karan Iran.
Israa,iil ayaa isku diyaarinayso weeraro waawayn ee ay ka gaysato gudaha Iran sida ay Al-jazeera kasoo xigatay warbaahinta israa,iil.
Mid kamid ah fadeexooyinka ugu way nee ay israa,iil wajahday ayaa ah nidaamyadii difaaca ee ka hor dagaalka qasa lagu sheegay mid kamid ah ugu awoodda badan,balse ma awoodin in uu qabto diyaaradaha iyo gantaalaha lagu weeraro gudaha israa,iil.