War kasoo baxay militariga maamulka israa,iil ayaa looga hadlay diyaarado nuuca aan duuliyaha lahayn oo saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray gudaha israa,iil waxaa ayna weerarkaan diyaaradaha loo adeegsday cabsi ku abuureen deegaanada yahuuda deganyihiin.
Militariga israa,iil ayaa sheegay in diyaarada nooca aan duuliyaha lahayn ay kusoo dhacday aagga kaysariya ee bartamaha isra,el subaxnimadii hore ee saaka,halka diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo diray lubnaan lagu weeraray deegaan dhaca waqooyiga israa,iil.
Waxaa ay sheegeen militariga israa,iil in duulaanka loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku wadaan dib u eegis,ayna raadinayaan xal looga hortago diyaaradahaan weerarada lagu gaysanayo ee sii kordhaya.
Mar sii horaysay militariga israa,iil ayaa sheegay in diyaarada aan duuliye lahayn oo laga soo diray dhinaca suuriya ay kusoo dhacday waqooyiga gobolka buuraha golan ee la haysto mana sheegin in diyaaradahaas in laga hortagay iyo in ay caadi usoo dhacday.
Kooxda xisbulaah ayaa dhawaan weerar ay u adeegsatay diyaarada nuuca aan duuliyaha lahayn ku qaaday saldhig ay leeyihiin militariga israa,iil waxaana weerarkaasi lagu dilat dhowr askari halka tiro kale oo badana lagu dhaawacay,waxaana weerarkaan uu noqday mid walaac xooggan ku abuuray israa,iil.