Sida ay xaqiijisay hay,adda laanqayrta cas ee lubnaa n,ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay duqayn cirka ah oo ay ciidamada israa,iil ku bartilmaameedsadeen isniintii guryo ku yaala waqooyiga dalka lubnaan.
Sidoo kale duqaynta ayaa lala eegtay guri ku yaala xaafada cayto oo ah halka ugu badan ee ay ku nool yihiin bulshooyinka masiixiga lubnaan ee dhinaca waqooyi.
Wariyaasha ayaa sheegaya in aagaasi ay aad uga fog yihiin xarumaha kooxda xisbullah.
Xisbullah ayaa ku xoogan dhinacyada koonfurta iyo bariga lubnaan.
Majirto wax faahfaahin ah oo weerarkaasi ku saabsan oo kasoo baxay israa,iil.
Dhanka kale weerarkaan ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee xisbullah ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala waqooyiga israa,iil ay ku dileen afar askari oo dhamaantood ahaa 19 jirro.
Weerarka oo sidoo kale lagu dhaawacay 7 kale ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa oo ay u gaystaan israa,iil tan iyo markii ay militariga israa,iil bilaabeen duulaanka dhulka ah ee ay ka wadaan waqooyiga lubnaan.