Maamulka jubbaland ayaa isbadal ku samayn doono maamulka gobolka gedo kadib markii culays siyaasadeed kaga yimid Dowladda federaalka oo ay saarayso Jubbaland.
Dhanka kale taliyaha ciidamada lugta ayaa loo magacaabay Col khaalid sh cabdulaahi oo horay usoo noqday taliya Nabad sugida jubbaland (JIS),markii u danbaysay khilaaf siyaasi ah ayay ku kala tageen Axmed madoobe,xildhibaan federal ayuu u diiday axmed.
Wasiirkii hore gaashaandhiga Kenya aadan bare ducaale ayaa kamid ah masuuliyiinta ay aad isku dhowyihiin.
Magacaabista Col khaalid ayaa katimid dhanka xafiiska raysalwasaare xamze cabdi barre.
Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u fasirayo magaabista Col khaalid marka laga soot ago aragtiyada kale duwan ee laga bixinayo taliyihii hore lugta sababta xilka looga qaaday ayaa ah saami ahaan inay isxigaan taliyaha booliska soomaaliya asad cismaan cabdulaahi diyaano.
Magaacabista taliyaha lugta ayaa xoojin karto in uu kamid noqdo xubnaha dowladda federaalka ah ay kula dagaalamayso jubbaland ee huursanaa in muddo ah.