Duqaymo culus oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa xalay kadhacday deegaanka haawaay oo hoostaga degmadda sablaale ee gobolka shabeelaha hoose,waxaana duqayntaan qasaaro badan oo isugu jirto dhimasho iyo dhaawax uu kasoo gaaray maleeshiyada Kooxda alshabaab.
Saraakiil katirsan laamaha amaanka soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegayn in duqaynta lala beegsaday bartilmaameed ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan kooxda alshabaab waxaa ayna xuseen saraakiisha in duqaynta u dhacday sidii loo qorsheeyay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqaynta lagu dilay 12 xubnood oo katirsanaa maleeshiyaadka alshabaab kuwaas oo isugu jiray saraakiil iyo dagaalamayaal,waxaa sidoo kale duqaynta ku dhaawacmay xubno kale oo kooxdaasi katirsanaa.
Xubnaha saraakiisha ah ee duqaynta lagu dilay ayaa wararku sheegayaan in uu kamid yahay gudoomiyihii deegaanka haawaay u qaabilsanaa alshabaab,waxaa sidoo kale kamid ah saraakiil alshabaab u qaabilsanaa dhinaca tababarada iyo arimaha dibadda.
Deegaanka haaway ee gobolka sheebalaha hoose ayaa sidaan oo kale waxaa horay uga dhacay duqaymo culus oo qasaaro badan kasoo gaaray xubno badan oo katirsanaa alshabaab oo ay kujireen saraakiil xilal sar sare kooxda u hayay.