Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa maanta magaaladda mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya kaga qayb galay kulan looga arinsanayay ganacsiga wadamada seddex xagalka ah ee soomaaliya,Kenya iyo itoobiya.
Kulankan oo sanadkiiba afar mar la qabto ayaa waxaa gudoomiyaha ku welinayay taliyaha saldhiga booliska ee degmadaas,qaar kamid ah ururada bulshada ee degmadaas iyo masuuliyiin kale waxaana kulanka uu qayb ka yahay mashruuca deriswanaaga.