Ciidan katirsan kuwa daraawiishta jubbaland ayaa galabta salaada casir kadib waxaa xuduudka u dhaxeeya degmooyinka ceelwaaq Kenya iyo ceelwaaq soomaaliya ku dileen labbo askari oo katirsan ciidanka xoogga dalka,halka askari kale ay ku dhaawaceen.
Wararka aanu helayno ayaa intaas ku daraya in askarta la dilay ay isbaaro u taalay,xogtoodana ay heleen ciidanka daraawiishta jubbaland kadibna ay ku baxeen halkaasina uu ku dhexmaray dagaal daqiiqado kooban socday oo sababay dhimashada iyo dhaawaca.