Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka dib uga qarxay degmadda luuq ee gobolka gedo kaas oo u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed dhawaanahaan ku dagalaamayay degmadaasi.
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka dhacay degmadda luuq,iyada oo ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan sida ay warkanews.com u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Xaalada ayaa haatan ah mid degan mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmadda luuq iyo saarakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya ayada oo uu fashilmay qodobadii kasoo baxay dhirkii dib u heshiisiinta ee beelaha dagaalamaya ku dhexmarau magaaladda kismaayo,kaas oo uu goobjoog ahaa madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed madoobe.
Colaaddaan ayaa soo noq noqotay waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmadda iyo dilal la xeriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen.