Xukuumadda federaalka itoobiya ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay madaxwaynaha la doortay ee maamulka soomaliland C/raxmaan maxamed cabdulaahi cirro.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda itoobiya ayaa lagu bogaadiyay doorashadii ka dhacday deegaanadda Somaliland oo shacabku ku doorteen in uu hogaamiyo cabdiraxmaan cirro.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee itoobiya ayaa u rajaysay maamulka cusub ee Somaliland uu ku guulaysto muddo xileedkiisa waxaa ayna itoobiya amaantay qaabka quruxda badan ee doorashadda Somaliland u dhacday.
Dowladda itobiya ayaa horay heshiis muran badan dhaliyay ula gashay madaxwaynaha xilka ka degaya ee muuse biixi,lamana oga waxa iska badali doona heshiiskaasi marka maamulkan cusub talada la wareego.