Dowladda federaalka soomaaliya oo horey ugu fashilantay qorshe ay ciidamo badan ku gaysay deegaanka raaskambooni ee gobolka jubadda hoose ayaan weli ka harin qorshihii ay ku doonayeen in ay cadaadis ku saaraan maamulka axmed madoobe.
Sia aan wararka ku helayno dowladda ayaa mar kale diyaarado ay ciidamo badan saaran yihiin ka dejinaysa degmooyin katirsan gobolka Gedo,uu ka arrimiyo maamulka jubbaland si ay cadaadis hor leh u saaraan axmed madoobe.
Degmooyinka baardheere,garbohaareey iyo beled-xaawo ayay ciidamo hore leh oo katirsan militariga soomaaliya ku daad guraynaysaa waxaa ayna dowladda federaalka doonaysaa in guud ahaan maamulka gobolka gedo laga bixiyo gacanta maamulka jubbaland.
Dowladda soomaaliya ayaan weli kasoo kaban ceebtii iyo fashilkii kasoo raacay ciidankii ay gaysay deegaanka raaskambooni kuwaa oo noqday kuwa dhintau,kuwa Kenya isku dhiibay iyo kuwa ciidamada jubbaland gacanta ku dhigeen.
Madaxwayne xasan sheikh iyo xamse barre ayaa ku adkaysanaya in meesha ka saaraan jiritaanka madaxwaynaha jubbaland axmed maxamed islaam madoobe,waxaana ay labadaan masuul qaadayaan talaabo kasta ay u arkaan in axmed madoobe cadaadis ku saari karaan.