Golaha wasiirada xukuumadda soomaaliya ayaa kulan ay maanta muqdisho ku yeesheen kaga hadlay dagaalka ka dhacay raaskambooni.
Wasiir kuxigeenka warfaafinta dowladda federaalka soomaaliya,cabdiraxmaan yuusuf al-cadaala oo hadlay markii uu soo dhamaaday shirka golaha wasiirada dowladda federaalka ayaa sheegau in goluhu cambaareeyay weerarka lagu qaaday ciidamadda dowladda.
“Golaha wasiirada waxay si adag ugu cambaareyanayaan weerarkaas axmed madoobe kusoo qaaday ciidanka qaranka soomaaliyeed,falkaas wuxuu ahaa mid aad laga xumaado aan lafilaynin,ciidankaas waxay halkaasi u joogeen in at kala wareegaan ATMIS goobaha ay baneeyeen”.
Al cadaalda waxaa uu sheegay in golaha wasiirada ay soo gaartay warbixin ku saabsan in alshabaab kala shaqeeyeen weerarkaas maamulka jubbaland.
“Waxay u suurageliyeen in gaadiid badan oo dagaal oo ka yimid kismaayo gaaro goobtaas,halkaas oo sida la ogyahay u jirta wax ka badan 270 kiilo mitir kismaayo,dhul badan oo shabaab joogaan ayay soo dhex mareen ciidamadaas”.
Wasiir al cadaala waxaa kale oo uu sheegay in golaha wasiiradu sameeyeen guddi baaris ku sameeya nooca xeriir ee dhexmari kara madaxwaynaha jubbaland iyo alshabaab.