Dowladda dhexe ee federaalka soomaaliya ayaa joojisay duulimaadkii nayroobi ka bixi jiray ee kismaayo toos u tagi jiray.
Dowladdu ilaa hadda warqad rasmi ah kama aysan soo amuurtan,balse amar afka ah ayaa loogu sheegay shirkadaha kasoo aada xaga Nairobi inaysan u duuli karin magaaladda kismaayo.
Xayiraadan kuma jirto safarada diyaaradaha ee muqdisho iyo kismaayo,arrintan ayaana sii fogaynaysa qilaafka jubbaland iyo dowladda dhexe.