Wararka inaga soo gaaraya magaaladda ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag ayaa ku waramaya in haatan uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu xoogan yahay isla markaana uu kusii fidayo duleedka bari ee magaaladaasi.
Ilaa 15 qof ayaa lasoo wariyay in ay ku dhinteen dagaalkaas oo soo bilowday shalay iyada oo markale dhinacyada isku laabteen saaka taas oo xaaladda uga sii dartay.
Sidoo kale barakac ay samaynayaan dadka deegaanka ayaa ka socda ceerigaabo maadaama ay xaaladu faraha ka baxday mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay SSC iyo Somaliland.
Dhinacyada dagaalamaya ayaa waxaa ay helayaan gurmadyo taas oo keeni karto in dagaalka uu sii xoogaysto.