Tuuladda buusaar oo kamid ah tuulooyinka hoosyimaada degmadda ceelwaaq ee gobolka gedo ayaa waxaa maanta markale weeraray askar katirsan ciidanka daraawiishta jubbalad oo ka baxay degmadda ceelwaaq.
Dagaal fool ka fool ah oo ku dhawaad nus saac socday kadib waxaa goobta isaga cararay maleeshiyada alshabaab waxaana gaaray qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka ciidanka weerar tagay waxaa ka dhintay hal askari,waxaa dib usoo gurtay askartii weerarka gaysatay,waxaana markii danbe halkaasi dib ugu soo laabtay maleeshiya alshabaab ee isaga firxaday markii uu dagaalka ku qabsaday deegaankaas.
Deegaanka buusaar ayaa sidaan oo kale maalo ka hore waxaa ka dhacay weerar gaadma ahaa oo ay ciidanka xoogga dalka ka fuiyeen halkaas oo kooxda alshabaab looga dilay tira maleeshiyadooda kamid ah.
Xaaladda guud ee tuulada buusaara ay ah mid aanan deganayn waxaana hawada ka maqan adeega isgaarsiinta iyadoo ay cabsi xooggan lasoo deristay dadka shacabka ah tuulada kunool maalmahaan la kulmaya weeraro is xigxiga.