Ciidamadda xoogga dalka ee kusugan degmadda baardheere ee Gobolka Gedo ayaa dagaal gaadmo ah ku qaaday maleeshiyaad katirsan kooxda alshabaab kuwaas oo ku dhuumaalaysanayay deegaanka daar ee duleedka degmadaas.
Ciidanka ayaa halkaas ku dilay mid kamid ah maleeshiyada kooxda alshabaab iyagoona ka qaatay qorigii uu watay.
Holwgalkani oo dhacay abaare saacadu markay ahayd 9:00 am ee subaxnimo ayaa ciidamadu ku guulaysteen,waxaana howlgalka kadib ay ciidanku si nabad ah ugu soo laabteen xaradooda ay ku lahaayeen magaaladda baardheere.