Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo gobolka gedo gaar ahaan deegaanada dhaca xaduudka itoobiya ay la wadaagto gobolkaas ciidamadda itoobiya ee aan kamid ahayn howlgalka midowga afrika ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ciidan,iyadoo wararku sheegayaan inay taageerayaan dhinaca jubbaland.
Qaar kamid ah masuuliyiinta gobolka gedo ee taabacsan dhinaca jubbaland ayaa la geeyay magaaladda godeey,iyadoo lagu qaaday diyaarada ciidan halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin saraakiisha ciidanka itoobiya gaar ahaan qaybaha kusugan gobolka Gedo oo ay ka wada hadlayaan arrimaha amniga.
Dowladda federaalka soomaaliya ayaa doonaysa in ay dhamaan la wareegto goobaha ay ciidamadda itoobiya ka joogaan Gedo,Baay iyo Bakool,iyadoo sheegaysa in ATMIS laga saaray itoobiya aysan joogi karin gudaha soomaaliya,xili jubbaland diidantahay arrintaan.