Ciidan gaar ah oo katirsan militariga israa,iil ayaa la sheegay inay howlgal afduub ah ka fuliyeen magaalo xeebeedka Batroun ee waqooyiga dalka lubnaan iyagoo adeegsanaya dhinaca badda.
Waxaa la sheegay inay qafaasheen muwaadin u dhashay dalkaas oo warbaahinta maxalliga ah ay sheegtay inuu yahay Imad Fadel Amahaz oo ah sarkaal katirsan ururka Xisbullah.
Howlgalkan ayaa noqonayaa midkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ciidanka israa,iil ay ka fuliyaan gudaha dhulka lubnaan,iyadoo howlgalka ay xaqiijiyeen telefisdhinka Al-Jzeera oo ilo amni xiganaya iyo wargayska israa,iil kasoo baxa ee Ynetnews.
Ma jiro wax fal celin ah oo kasoo baxday dhinaca ururka Xisbullah oo looga ahdlay haddii qofka la afduubay uu katirsanyahay ururka,sidoo kalena ma aysan diidin wali dhacdadaan.