Degmadda beledxaawo ee gobolka gedo ayaa waxaa lagu qabtay kulan wadatashi ah kaas oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulashada ku dhaqan degmadaas.
Kulankaan oo ay qabatay wasaarada arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshiisiinta jubbaland ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno katirsan maamulka degmada b/xaawo oo kamid yahay gudoomiye kuxigeenka degmada ahna madaxa amniga iyo siyaasada cabdifitaax nuur mataan.
Aqoon iswaydaarsigan ayaa socon doonaa muddo seddex maalmood ah waxaana lagu falan qayn doonaa qoddobo muhiim ah oo kamid ah dedaalka lagu hogaaminayo nabadda,xasiloonida iyi midnimada dowlad goboleedka jubbaland soomaaliya.
Mashruucaan waxaa wasaarada ka caawinaya sanduuqa xasilinta soomaaliya III,Somalia stability fund III oo ay maamusho adam smith international.