Sirdoonka maraykanka ayaa sheegay inay ogaadeen in xuutiyiinta yemen ay ka wada hadleen kooxda alshaab sidii ay hub ugu soo diri lahaayeen dalka soomaaliya oo muddo ka badan 30 sano colaado iyo xasilooni daro ay kajireen.
Seddex sarkaal oo maraykan ah ayaa u sheegay CNN heshiiska iyo wada shaqaynta cusub ee xuutiyiinta iyo kooxda al shabaab ay tahay arin halis gelinaysa degenaanshaha gobolka geeska afrika oo markii horeba xasarado ay ka taagnaayeen.
Saraakiisha sirdoonka marayknaka ayaa hadda baadigoobayo cadaymo muujinaya in hubka xuutiyiinta ee laga iibinayo maleeshiya al shabaab,waxayna isku dayayaan in la ogaado in IRAN oo taageero ciidan iyo mid dhaqaale siisa xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiishka.
Maraykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashiga iyo hubka xuutiyiinta usoo dirayaan al-shabaab sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan maamulka biden,waxaana sidoo kale dalalka afrika ay bilaabeen inay la xeriiraan dowladda maraykanka si ay u helaan macluumaad dheeraad ah.
Sidroonka maraykanka waxaa uu sare u qaaday feejignaanta amniga soomaaliya,bada cas iyo gacanka cadmeed,halkaas oo xuutiyiintu ay weeraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta dagaalka ciidamada maraykanka taniyo markii uu bilowday dagaalka gaza oct.2023.
Heshiiska hubka ayaa dhaqaale cusub waxaa ku helaya xuutiyiinta xili saraakiisha maraykanka ay sheegeen inay jiraan calaamado muujinayo in maleeshiyaadka alshabaab ay danaynayso inay hesho hub casri ah oo ay kujiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka si ay u weerarto danaha maraykanka ee gobolka geeska afrika.
Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu qabtay xeebaha Puntland doomo siday hub fudud iyo agabk militari oo ka yimid dhanka dalka yemen iyadoo hadda maraykanku uu shaaciyay in uu jiro heshiis dhex maray kooxda alshabaab iyo xuutiyiinta.