Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in wasiirkii hore amniga maamulka jubbaland c/rashiid xasan cabdinuur(janan) ee lawaysanaa in uu u xiranyahay Dowladda keenya.
Qoyska,ehelada iyo siyaasiyiin kusugan keenya ayaa inoo xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan Sirdoonka keenya ee NIS.
Waxaa ay intaasi ku dareen in wasiir janan uu nool yahay been abuurna ay tahay geeridiisa lagu shaaciyay baraha bulshadda.
Dhanka kale waxgarad ,cuqaal,nabadoono,culumo iyo Ganacsato maanta ku shiray degmadda doolow ee Gobolka gedo ayaa dowlada keenya ku eedeeyay xariga cabdirashiid janan waxayna keenya ka dalbadeen in si degdeg ah usoo sii dayso.