Ururka xisbullah ee dalka lubnaan ayaa sheegay in tiro gantaalo ah ay axadii shalay ku weerartay saldhig miltari oo kuyaalo gunta israa,iil maalin kadib markii duqayn cirka ah oo ay israa,iil ku garaacday caasimada beyruut ay ku dishay ugu yaraan 37 qof oo uu kujiro ibraahim caqiil oo ahaa taliye sare oo katirsan garabta ugu sareeya militariga xisbullah.
Ma cada in gantaalada xisbullah ay ku weerartay israa,iil ay ku dhaceen bartilmaameedkooda,waaxda gargaarka degdega ah ee israa,iil ayaa sheegtay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray nin ku sugnaa tuulo ku taala aaga la weeraray.
Warbaahinta gudaha israa,iil ayaa ku waramay in gantaalo laga soo tuuray lubnaan ay ka hortageen oo ay burburiyeen hubka lidka gantaalada meel u dhow magaalada xayfa.
Xisbullaah waxaa ay sheegtay in ay israa,iil ku garaacday daraasiin gantaalo ah oo ay kujiraan gantaalada fadi 1 iyo fadi 2 oo ah gantaalo cusub oo ay kooxdu sheegtay in aysan hadda ka hor adeegsanin.
Waxaa kale oo ay sheegeen in bartilmaameedkiu uu ahaa saldhiga ciidamada cirka israa,ii ee xisbulah Ramat David ee kuyaalo koonfur bari ee magaalada xayfa.
Weeraro isugu jiray duqayn cirka iyo qaraxyo loo adeegsaday aalado isgaarsiineed oo ay xisbullah dibada kasoo iibsatay oo ka dhacay lubnaan ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 39 qof halka ay ku dhaawacmeen 3000 oo ruux.
Raysalwasaaraha lubnaan najiib mikati ayaa sheegay in uu joojiyay safar uu ku imaan lahaa magaalada new York oo uu uga qayb gali lahaa shirka golaha guud ee qaramada midoobay.