Howlgal dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidamadda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah kaas oo ka dhacay gobolka galgaduud ayaa lagu beegsaday xarun ay lahayd maleeshiyaadka kooxda shabaab.
Waxaa howlaglka uu ka dhacay deegaanada kala ah jacar iyo garab la, oo katirsan Gobolka galgaduud.
War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad qasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyada isla markaana lagu burburiyay kaydkoodii hubka ee galgaduud.
Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in mid kamid ah duqaymaha maanta lala beegsaday garaash ay baabuur u taalay kooxda kuwaas oo dhamaan la burburiyay.
Maalmihii udanbeeyay ayaa waxaa howlgalo culus iyo duqaymo ka socdeen goboladda dhexe gaar ahaan galgaduud iyo mudug kuwaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka al-shabaab.