Wararka inaga soo gaaraya degmadda baardheere ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in wiil sagaal sano jir ah lagu kufsaday degmadaas.
Wiilkan la kufsaday oo lagu magacaabo maxamed salaad deeqow ayaa maydkiisa lagu tuuray webiga degmadda baardheere.
Ciidamada amaanka ee degmada baardheere oo dabogal sameeyay ayaa waxay soo qabteen 3 nin kuwaas oo ka hada kuxiran saldhiga degmaadas.
Taliyaha saldhiga degmadda baardheere oo aan la hadalanay ayaa inoo xaqiijiyay dhacdadaan waxaana uu sheegay in dhacdadaan shan nin ay ka danbeeyeen kuwaas oo seddex kamid ah ay gacanta ku hayaan oo qirteen in dambigaas ay galeen wuxuuna sidoo kale sheegay labbo nin oo kale oo ku lug lahaa falkaan inay baxsad yihiin oo ay ka baadi goobayaan gudaha magaaladda.
Dhacdadaan oo ugub ku ah degmadda baardheere ayaa aad u argagax gelisay shacabka baardheere taas oo ah qof inta la dilo hadana la kufsado in webiga lagu tuuro.
Sawirka wiilka la kufsaday