Xaalada degmadda luuq ee gobolka gedo ayaa maanta ah mid degan kadib dagaal shalay halkaas ka dhacay.
Wararka ay helayso shabakada warkanews.com ayaa waxay sheegayaan in ay socdaan dedaalo xooggan oo lagu doonayo in lagu dajiyo xiisada oo ay wadaan odoyaasha degmadaas.
Labbada maleeshiyo beeleed ayaa la kala qaaday waxaana magaalada dib uga furnay goobaha ganacsiga magaalada oo dagaalka ay ku xirmeen.
In kabadan 15 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay ayaa shalay ku dhintay dagaalkii ka dhacay luuq ganaane waxaana ku dhaawacmay dad badan kuwaas oo qaarkood la geeyay degmooyin kale.