Dowladda yukrayn ayaa markii ugu horaysay qiratay in afar qof oo muwaadiniin u dhashay dalkaas ay u gacan galeen maleeshiyada kooxda al shabaab,dadkaas ayaana la xaqiijiyay weli inay nool yihiin.
Afarta qof ee Ukraine u dhashay waxay kamid ahaayeen lix qof maleeshiyada u gacan gashay kadib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku degtay degaan lagu magacaabo xiin-dheeere oo ay maamulaan kooxda.
War kooban oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda ee Ukraine ayaa lagu sheegay in la xaqiijiyay in muwaadiniintooda ay ku dhaceen gacanta Al-shabaab.
“Muwaadiniinteena waxay kamid ahaayeen shaqaalaha diyaarad u hawlgalaysay xafiiska qamarada midoobay ee soomaaliya,jinsiyadooda waa la xaqiijiyay.” Ayuu yiri afhayeen u hadlay yukreen.
Diyaarada oo u shaqaynaysay qaramada midooba ayna saarnaayeen sagaal qof ayaa hawlgal caafimaad oo ay dhaawac uga soo daabulayso furimaha dagaalka ee galmudug ugu socotay degmadda wisil.
Diyaaradaas oo nooceedu ahaa helikobtar cilad farsamo ayaa ku timid waxaana ay ku degtay meel u dhow deegaanka xiin-dheere ee Gobolka galgaduud,waxaana isla markiiba goobtaas gaaray maleeshiyada al shabaab.
Afarta qof ee u dhalatay yukreen iyo labbo keenyaan ah ayaa la xaqiijiyay in ay kooxdu afduubteen waxaana goobta ku dileen dhaqtar masaari ah.
Sarkaal soomaaliyeed iyo gabar kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay ugaandha ayaa ka baxsaday goobta,balse weli lama arag meel ay jaan iyo cirib dhigeen waxaana loo badainyaa in ay kooxdu u gacan galeen.