Dowladda yukrayn ayaa soo bandhigtay caadil cabdulaahi maxamed oo ah muwaadin soomaaliyeed oo siddeed iyo labaatan sano jir ah kaas oo ka tagay muqdisho laguna qabtay dagaalka Ukraine.
Ninkaan oo bixiyay waraysi kooban ayaa la sheegay in uu ka barbar dagaalamayay ciidamada ruushka ee dagaalka kula jira yukrayn,waxaana yukrayn horayn u sheegtay in uu kamid ahaa calooshood u shaqaysatayaasha uu soo kiraystay dalka ruushka.
Waxaa uu sidoo kale waraysiga uu bixiyay uu ku sheegay in uu ruushka u tagay si uu u helo shaqo militari.
Waxaa uu sheegay in loo balan qaaday baasaboorka wadanka ruushka iyo lacag labbo kun oo doolar ah.
Ninkaan ayaa kamid ahaa afar qof oo bishaan janaayo toddobadeedii lagu qabtay dagaalka ka socdo yukrayn,mana jirto macluumaad rasmi ah oo ka madax banaan yukrayn oo xaqiijin kara in ninkaan u dagaalamayay ruushka.