Ciidamada xoogga dalka ee kusugan magaaladda masagawaay ee gobolka galgaduud ayaa saaka toogtay nin katirsan maleeshiyaadka kooxda alshabaab kaas oo lagu qabtay kantoroolka masagawaay,ninka latoogtay ayaa ku hubaysnaa qori AK-47 ah.
Dhinaca kale ciidamadda ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca Layla caalaawi ah oo shidaal waday,waxaana lagu qabtay deegaanka xuseen cageey,saraakiisha ayaa sheegay inay saarnaayeen dumar al shabaab u socday ayna gacanta ku dhigeen.
Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgalo xooggan ka wadeen deegaano katirsan gobolka galgaduud,halkaas oo mararka qaar ay isku aruursanayeen xubno katirsan kooxda alshabaab.