In kabadan 80 wadan kuwaas oo kamid ah ilaa 100 wadan oo labadii maalin ee lasoo dhaafay shir calami ah uu uga socday dalka Switzerland ayaa axadii shalay ku baaqay in midnimada dhuleed ee Ukraine ay saldhig u noqoto heshiis kaste oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka labbo sano jir saday ee uu ruushka ka wado Ukraine.
Hase yeeshee shirkaan oo ay ka qayb galeen ilaa iyo 100 wadan oo ay soomaaliya kujirto ayaa ku guuldaraystay in qaar kamid ah wadamadii muhiimka ahaa ee ka qayb galay ay saxiixaan bayaankii ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirka.
War murtiyeedka ayaa lagu soo koobay mirihii kasoo baxay shirka labada maalin socday kaasi oo aan lagu casuumin ruushka balse qaar badan oo kamid ah hogaamiyaashii ka qayb galay ayaa rajo ka muujiyay in suurtagalnimada in ruushka uu ka qayb galo geedi socodka nabadda ee mustaqbalka labada dhinac.