Wararka inaga soo gaaraya magaalada xeebeedka baraawe ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in xalay howlgal qorshaysan oo ka dhacay degmadaas lagu soo qabtay xubin katirsan maleeshiyada kooxda alshabaab.
Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada NISA ee qaybta koonfurta galbeed iyo kuwa xoogga dalka ayaa lagu soo qabtau ninkaan oo ku howlanaa diyaarinta weerar qarax ah.
Saraakiisha horkacaysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ninka lasoo qabtay uu qarax miino ku aasayay magaalada balse ay ka hortageen kadibna ay gacanta ku dhigeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ujeedkiisa uu ahaa in qaraxaas uu ku dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada amaanka ee kusugan halkaasi.
Laamaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in weli baaris ay ku hayaan eedaysanaha isla markaana ay ku wareejin doonaan hay,adaha ku shaqada leh si looga qaado talaabo sharciga waafaqsan.
Howlgalkaan ka dhacay baraawe ayaa qayb ka ah dedaalada lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi oo ah caasimada rasmiga ah ee koonfur galbeed.