Waxaa maanta degmadda baardheere ee Gobolka Gedo lagu qabtay gaar ahaan taliska ATMIS ay ku leeyihiin degmadaas shir toddobaadle ah kaas oo looga hadlay amniga.
Shirka waxaa shir gudoominayay taliyaha guutadda tobnaad qaybta afartan iyo seddexaad ciidamadda xooga dalka soomaaliyeed ee gobolka gedo gaashaanle sare cismaan cabdi qorax (cismaan niiniile) waxaa kasoo qayb galay taliyaha ururka 49 aad guutadda 10 aad,taliye xigeenka ciidanka booliska ee degmada,taliyaha dugsiga tababarka ciidamada ADC,xubno kamid ah maamulka degmadda iyo saraakiisha ATMIS qaybtooda Ethiopia ee ku sugan degmadda baardheere.
Waxaa shirka lagu lafaguray qodobo muhiim u ah amniga degmadda baardheere iyo guud ahaan deeganada hoosyimaada,xogaha laga helayo maleeshiyada al shabaab iyo qaabkii looga hortagi lahaa in degmadu ka dhicin falal amniga lid ku ah.
Shirkan oo qaatay saacado badan ayaa ugu danbayn la,isku afgartay in si wadajir ah loo xaqiijiyo amniga deegaanka si guudna la iskaga kaashado,lana sii xoojiyo wada shaqaynta bulshadda si loo helo amni dhamaystiran.