Muqtaar maxamed yaroow oo maleeshiyada kooxda alshabaab u yaqaanaan wariiri ayaa isku soo dhiibay taliska Nabad sugida iyo sirdoonka koonfur galbeed soomaaliya.
Muqtaar oo kooxda alshabaab u qaabilsanaa dhanka jabhadaha ayaa ka howlgali jiray goboladda shabeelaha hoose iyo hiiraan.
Waxaa uu sheegay in uu usoo dulqaadan waayay dhibaatada duurka ku haysata kooxda alshabaab isagoona sidoo kale sheegay in xiligaan la gaaray dhamaadka maleeshiyada oo awoodooda hoos u dhacday.