Xoghayaha golaha ammaanka ruushka,sergei shoigu ayaa maanta gaaray caasimada iran ee Tehran,halkaas oo la sheegay in uu kula kulmayo madaxda sare ee iran oo uu kujiro madaxwaynihii toddobaadkii hore la caleema saaray ee masoud pezeshkian iyo saraakiisha ciidanka ilaalada kacaanka.
Wadahadalada u dhaxeeya shoigu iyo pezeshkian ayaa diiradda lagu saari doonaa amniga gobolka iyo kan caalamiga ah sida ay sheegtay wakaaladda wararka ruushka ee RIA Novosti.
Booqashadaan ayaa kusoo beegantay iyadoo laga cabsi qabo inay ka dilaacdo bariga dhexe xiisad dhalin karta dagaal wayne ka dhaca,xili Iran ay isku dayayso in ay ka jawaabto dilka madaxii xafiiska siyaasada xamaas,ismaaciil haniyeh ee ka dhacay Tehran.
Ruushka wuxuu la leeyahay Iran,iskaashi wanaagsan oo difaaca ah iyadoo Tehran ay gaarsiiyay Moscow diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo qayb ka noqday dagaalka uu ruushka kujiro ee Ukraine,halka labbadii maalin ee u dambaysay uu ruushku u diray Iran diyaaradaha xamuulka qaada oo aan cadayn xamuulka ay geeyeen Tehran.