Dowladda itoobiya ayaa wakiil sida safiir u shaqeenayaa u magacawday in uu fadhiisto magaaladda hargaysa,si uu uga shaqeeyo safiirkaasi xoojinta xeriirka xiligaan ka dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka itoobiya.
Madaxtooyada itoobiya ayaana xaflad u samaysay safiiro dhawaan madaxwaynaha dalka itoobiya Sahle zewde, u magacawday in ay wakiil uga noqdaan qaar kamid ah wadamada caalamka ay kujirto maamulka Somaliland.
Safiirka cusub ee dolwadda itoobiya usoo magacawday Somaliland Teshome Shunde oo ka hadlay xafladda loo sameeyay safiirada uu kujiro ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono xoojinta xeriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo itoobiya.
Danjire Teshome shubde waxaa uu sheegay in ay maamulka Somaliland wadaagaan xuduud isla markaana uu ka shaqayn doono xeriirka dhinaca ammaanka,ganacsiga iyo isdhex galka labada dhinac sidoo kale uu ka shaqayn doono cilaaqaadka labada shacab ee itoobiya iyo Somaliland.
Dowladda itoobiya ayaan safiir u magacawday Somaliland tan iyo wixii ka dambeeyay markii heshiis dhinaca bada ah la galeen Somaliland,heshiiska ayaana abuuray in ay isku soo dhawaadaan Somaliland iyo itoobiya,halka ay ku kala fogaadeen dowladaha soomaaliya iyo itoobiya.