Madaxwaynaha dalka Kenya William ruto ayaa waraysi uu bixiyay kusoo bandhigay dhacdooyin halis ku ahaa amaanka dalkaasi oo lagu arkay inta uu socday mudaharaadyadii lagu diidanaa sharciga maaliyada.
Mid kamid ah dhacdooyinka uu soo qaatay waxay ahayd markii banaanbaxyaasha ay gudaha u galeen xarunta baarlamaanka in qayb kamid ah ay sitoos ah u aadeen goobta lagu kaydiyo hubka ee loogu talagalay in dhismaha lagu difaaco,waxaana uu intaa ku daray”Waxaa jiri doono baaritaan lagu ogaanayo sida dadkan ay u ogaayeen in baqaar hub uu kuyaalo dhismaha baarlamaanka.
Waxaa kale oo uu sheegay in kaamirada CCTV ay qabatay wajiyada dadkii weeraray baarlamaanka,maxkamada sare iyo xarumo akle isagoo sheegay in muuqaalda CCTV lagu maxkamadayn doono kuwii isku dayay in ay gudaha u galaan bakhaarka hubka ee dhismaha baarlamaanka isagoo cadeeyay shaqsiyaadka la xiray inta mudaharaadka uu socday in 1-da July la horkeeni doono maxkamada.
Qofkaste oo dambiyo gaystay inta dibad baxa uu socday ayuu sidoo kale sheegay inay booliska xogtiisa ay kaydiyeen si gacanta loogu soo dhigo.
Ruto waxaa kale oo uu soo bandhigay in diidmada hindise sharciyeedka maaliyada 2024 ay ka dhigantahay in Kenya ay ku qasban tahay in ay amaahato $7.7 bilyan si loogu buuxiyo qorshaha miisaaniyada.