Xogahaya guud ee qaramada midoobay Antonio guterrea ayaa u magacaabay Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka zimbabawe kaas oo noqonaya ku xigeenka Catriona laing,ergayga gaarka ah ee Qramada midoobay u qaabilsan soomaaliya.
Raisedon zenenga ayaa xilkaan kala wareegaya anita kiki gbeho oo u dhalatay dalka ghana taasoo uu usoo idlaaday howlaheedii soomaaliya ka qaban jirtay.
Anita kiki ayaa lasoo magacaabay bishii desember,30 keedii 202 inay noqoto ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee soomaaliya,amniga iyo siyaasada.
Guteres xogahayaha guud ee qaramada midoobay ayaa aad uga mahad celiyay ms.Anita shaqadii iyo dedaalkii ay ku bixisay shaqada qaramada midoobay ee dalka soomaaliya.
Raisedon zenenga ayaa leh qibrad dhan 30 sano taasoo uu kasoo shaqeeyay xafiisyada qaramada midoobay oo ay kamid yihiin howlgalada qaramada midoobay ee dalalka ciraaq,kuwayt,liibya,koonfurta suudaan iyo siriyaliyoon,sidoo kalena waxaa uu kasoo shaqeeyay xarunta dhexe qaramada midoobay.
Mr zenenga ayaa hadda ahaa ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayah guud u qaabilsan dalka liibiya halkaasi oo uu sidoo kale kalena ka ahaa kaaliyaha xogahayah guud iyo isu duwaha howlgalka kaalmaynta qaramada midoobay ee dalka liibya (USMIL) taniyo sanadkii 2020-kii.
Qaramada midoobay ayaa xooga saaraysa sanadihii danbe soomaaliya iyadoo xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio guteres muddo dhan labbo amr uu booqasho rasmi ah ku yimid caasimada muqdisho iyadoo ahayd booqashadii ugu danbaysay sanadkii tagay ee 2023-kii.
QM ayaa dowladda federaalka soomaaliya ka taageerta bixinta arrimaha xuquuqul insaanka kusoo daridda howlaha socda haweenka iyo dhalinyarada,hubinta iyo matalaadda dadka laga tirade badan yahay.