Qasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay degmadda luuq ee gobolka gedo ayaa sababay dhimashada 15 qof oo ah dhinacyadii dagaalamayay iyo dad shacab ah.
Dagaalka ayaa goor dhaw istaagay waxaana lasoo qaaday dadkii dhintay,halkii intii dhaawaca la geeyay isbitaalka wayn ee degmada,waxaana xogaha helayno intaa kudarayaan inay jiraan dad qabo dhaawacyo culus oo aan wax looga qaban karin degmadda kuwaas oo u baahan in loo qaado muqdisho mana jirto wax duulimaad ah oo maanta tagay magaalada luuq.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay dagaaladii dhacaya ayaa ka xooganaa midka maanta dhacay waxaana uu sababay qasaare nafeed oo badan oo labada dhinac ah.