Pakistan ayaa arbacadii cabasho rasmi ah u gudbisay xukuumadda taalibaan ee afgaanistaan kadib weerar ay dhowaan kooxo xogjir ahi ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taala waqooyiga galbeed ee dalkaasi,waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan 8 askari halka ay tiro kalena ku dhaawacantay.
Wasaaradda arimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in ay u yeertay danjire ku xigeenka safaarada afqaanistaan ee fadhigeedu yahay magaalada Islamabad si ay u gaarsiiso qoraal dibloomaasiyadeed oo rasmi ah oo kusaabsan weerarkii subaxnimadii isniinta ka dhacay magaaladda garrison ee kutaala bannu.
Bayaanka ayaa ku booriyay masuuliyiinta Taliban inay si buuxda oo degdeg ah u baaraan isla markaana ay talaabo adag oo wax ku ool ah ka qaadaan cidii ka dambaysay weerarkaasi.
Militariga Pakistan ayaa sheegay in 10 nin oo aad u hubaysan in ay fuliyeen weerarka bannu,dhamaantoodna lagu dilay dagaal saacado qaatay oo dhexmaray iyaga iyo ciidamadda amaanka.
Wasaaradda arrimaha dibada ayaa sheegtay in ragga weerarka gaystay ay xulufo la ahaayeen kooxda argagixisada ah ee loo yaqaano Tehrik-i-taliban Pakistan ama TTP oo fadhigeedu yahay afgaanistaan isla markaana soo abaabula weerarada xuduudaha.