Wararka inaga soo gaaraya degmadda ceelwaaq ee gobolka gedo ayaa sheegaya in maanta ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka soomaaliya ee dhawaan la geeyay degmadaas ay nin sarifle ah ka dhaceen lacag ku dhow 1 malyan,halka ay dukaamo kalena ay ka qaateen tilifoono smartphones ah.
Qofka shacabka ah ee dhibka loo gaystay ayaa usoo shaqo tagay goobtiisii shaqo,ciidanka falka gaystay ayaana marka hore rasaas ooda kaga qaaday kadibna waxay ka qaateen lacagta.
Dhacdadaan ayaa ah mid yaab iyo hadal hayn badan ku abuurtay bulshada iyo ganacsatada degmadaas,waana dhacdo ugub ku ah degmadda ceelwaaq.