Waxaa soo if baxay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya gudoomiyaha degmadda garbohaaray ee xarunta Gobolka Gedo iimaan cadoow kaarshe iyo ku xigeenkiisa xasanweli axmed yuusuf,kaas oo salka kuhaya canshuurta laga qaado garoonka diyaaradaha,hay,adaha ka howlgala degmada iyo khaatka.
Gudoomiyaha iyo kuxigeenkiisa ayaa shalay isku qabtay lacag canshuur ah oo laga qaado hay,adda SAADO oo degmadaas ka howlgasha,gudoomiye iimaan ayaa akoon shirkada Dahabshiil uga furnaa maamulkiisa oo lacagaha kusoo dhacaan kala baxay lacag iyadoo uusan ogayn kuxigeenkiisa iyo xubnaha kale ee maamulka waxaana arintaas ay sababtay in uu shirkada uu xiro gudoomiye kuxigeenka degmada xasanweli axmed yuusuf.
Sidoo kale arintaan waxaa xigtay in isfaham waa la xeriiro habka loo qaadayo canshuurta laga qaado garoonka diyaaradaha garbohaaray,shalay ayayna ahayd markii diyaarad siday kaargoo uu gudoomiye kuxigeenka degmadda amray inaysan garoonka ka duulaynin hadii aysan Shubin lacag canshuur ah.
Dhanka kale isla shalay mid kamid ah ganacsatada khaatka iibiya ayaa laga dhacay jawaano qaat ah waxaana arintaas sameeyay istaafyada labadda gudoomiye.
Ugu dambayn waxaa maanta degmadda garbohaaray waxaa ka dhacday dhacdo lagu dhaawacay sarkaal katirsan hay,ada SAADO ee ka howlgasha degmadaas kaas oo lagu magacaabo maxamuud shugri guuleed.
Arintaan ayaa waxaa ay timid markii gudoomiye kuxigeenka degmadda xasanweli axmed yuusuf iyo ciidan uu wato gudaha u galeen dhismo ay degan tahay hay,adda SAADO,isagoo madaxdii hay,ada qaar kamid ah oo xafiiska kusugnaa ku bilaabay jirdil.
Kadibna waxaa xigay in askari kamid ah istaafka gudoomiye kuxigeenka uu rasaas la dhaco sarkaalka la dhaawacay ee magaciisa kor kusoo sheegnay.
Wixii faahfaahin arimahaan kasoo kordho kala soco www.warkanews.com