Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan kooxo burcad koonfur afrikaan ah oo gudaha dalkaas kudilay muwaadin soomaaliyeed sidoo kalena boobay goobo ganacsi.
Kooxaha burcadda ah ayaa weeraray goobo ganacsi oo kuyaala xaafada new brighton ee hoostagta magaaladda port Elizabeth ee wadanka koonfur afrika iyaga oo dilay muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray guuleed halka ay boobeen goobtii ganacsi oo uu ka shaqaynaayay.
Ciidamo katirsan booliska koonfur afrika ayaa tagay goobta uu weerarka ka dhacay kuwaas oo sameeyay howlgalo baaritaano ah waloow aysan gacanta ku dhigin kooxihii burcadda ahaa.
Dalka koonfur afrika soomaali aad u fara badan ay kunool yihiin ayaa waxaa mararka qaar loo gaystaa dil,dhaawac iyo boob hantidooda iyada pp dowladda koonfur afrika aysan waxba ka qaban.