Kooxda al shabaab ayaa shaacisay inay geeriyoodeen labbo dhaqtar oo u dhashay dalka cuba kuwaas oo muddo sanado ah u afduubnaa laguna hayay nawaaxiga degmadda jilib ee Gobolka jubadda hoose.
Kooxda ayaa sheegtay in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen duqayn ka dhacday magaalada jilib oo ay fuliyeen ciidamada maraykanka ee taageeraya dowlada soomaaliya.
Dhaqaatiirtaan ayaa sanadkii 2019-kii waxay maleeshiyada kooxda ka afduubteen gobolka waqooyi bari Kenya gaar ahaan magaalada xadka ku taala ee mandera xili halkaasi ka wadeen howlo gargaar oo dhinaca caafimaadka la xeriira.
Waxaa horay u fashilmay isku dayo marar badan lagu doonayay in lagu soo daayo dhaqaatiirtaan kuwaas oo ay wadeen dowladaha soomaaliya,cuba iyo Kenya.