Ciidamada macaawiislayda ee ka hawlgalo gobolka shabeelaha dhexe ayaa maanta waxaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanka cad-cadeey kusoo qabteen xubno katirsan maleeshiyada kooxda alshabaab.
Taliyaha ciidanka macaawiislayda ee deegaankaasi cilmi cabdule cali oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahiyay howlgalkaasi waxaana uu xaqiijiyay in ay noolasha ku qabteen 3 kamid ah xubnaha kooxda al shabaab kuwaas oo kusugnaa deegaanka hawlgalka laga fuliyay.
Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in shaqsiyaadka ay soo qabteen ay qirteen inay yihiin Alshabaab tababarna kusoo qaateen xeryo ay kooxdu leedahay si ay uga barbar dagaalamaan.
Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wato ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ragaan ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda si loogu dudbiyo hay,adaha ku shaqada leh.
Ugu danbayntii waxaa uu intaasi uu ku daray in howlgalada ay kasii wadaan miyiga gobolka shabeelaha dhexe si ay uga sifeeyaan haraadiga maleeshiyada kooxda.