Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenya rigathi gachagua ayaa weerar afka ku qaaday agaasimaha sirdoonka Kenya nuurdin xaaji kadib markii shalay qudbad ka jeediayya magaalo xeebeedka Mombasa.
Waxaa uu ku tilmaamay agaasimaha sarkaal hoose oo aan awood u lahayn in uu hogaamiyo hay,adda sirdoonka ee dalkaas waxaana uu sheegay hadi ay sirdoonka shaqo wanaagsan qaban lahaayeen inaysan dhici lahayn xaaladda ay wajahayaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in agaasimaha looga baahanyahay in uu shaqada ka taggo sidoo kalena uu qaato masuuliyada wixii dhacay.
“Waxaan leenahay adeeg sirdoon oo aan shaqaynayn….nuurdiin xaaji waa in uu qaataa masuuliyada dhimashada iyo dhacdada xarunta baarlamaanka ,waa in uu is casilaa waa inuu ogolaadaa in ruto soo doorto agaasime karti leh oo miyir qab kusoo celiyo NIS,”ayuu yiri gachagua.
Madaxwaynaha keenya ayaa bishii maarso ee sanadkii 2023-kii u magacaabay agaasimaha sirdoonka nuuradiin xaaji oo kasoo jeeda soomaalida keenya.