Madaxwaynihii hore ee dalka maraykanka Donald trump ayaa gelinkii danbe ee shalay sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray dhegta midig,kadib markii uu qof hubaysani rasaas u soo furay dhankiisa,xili uu qudbad ka jeedinayay isu soo bax dadwayne oo qayb ka ahaa olalihiisa doorashada gudaha gobolka pennsyvania.
Trump waxay rasaasta kaga dhacday qaybta saree e dhegtiisa midig waxaa la tootgtay isaga oo hadal ka jeedinayay fagaare ay buuxeen taageerayaashiisa jamhuuriga oo ku taala degmadda butler oo 35 mile dhanka waqooyi uga began magaaladda pitssburgh ee gobolka pennslyvania.
Labba xabadood ayaa la maqlay kadibna waxaa xigtay rasaas u muuqatay jawaab.
Markiiba waxa hadalka joojiyay oo qoorta qabsaday kadibna dhulka ku dhacay donal trump,taasi ayaa goobta ka dhalisay argagax iyo qaylo dhaan ay sameeyeen dadkii goobta joogay.
Ciidanka ilaalada gaarka ah ee secret service loo yaqaano ayaa ku hagoogtau trump,waxaana la arkayay madaxwaynihii hore oo wajiga ka dhiigaya isla markaana gacanta kor u taagaya isaga oo u muuqday in uu ku qaylinayay erayo aanan la maqli karayn.
Bayan ay markiiba soo saareen ciidanka goobta ilaalinayay ee loo yaqaano ilaalada qarsoo ayay ku sheegeen in ladilay qofkii weeraray madaxwayne trum,waxayna sidoo kale sheegeen in qof kamid ahaa dadkii joogay isu soo baxa dadwayne uu isna dhintay,isla markaana labbo kale ay dhaawax halis ah ay yihiin.
Dhacdadaan ayaa markiiba waxaa cambaareeyay madaxwaynaha maraykanka joe biden,kuxigeenkiisa kamala harris iyo madaxwaynihii hore ee maraykanka barack Obama.