Shabakada wararka the national news ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku sheegtay cadaadiska maraykanka uu saaray Qatar in ay ku dhalisay hoggaanka xamaas inay u raraan dalka ciraaq howlgalkooda siyaasadda.
Talaabadaan ayaa la sheegay inay hoggaanka xamaas ansixiyeen bishii may ee la soo dhaafay iyadoo dhamaan dhismayaasha iyo xafiisyada amaankooda iyo ilaalada ay si toos ah u hoos imaan doonaan iiraan,taasoo ka dhigan ciidanka ilaalada kacaan iran inay maamuli doonaan amaanka goobaha hogaanka xamaas.
Saraakiisha xamaas weli ma aysan xaqiijin xogta ay soo bandhigtay warbxinta balse waqti dhow ma aha wax si fudud u dhacaya in xafiiska siyaasada xamaas laga raro doha,sababo la xeriira wada xaajoodyada la isku dayayo ee arimaha maxaabiista oo ay Qatar u leedahay mudnaan la xeriira dhexdhexaadinta taasi oo hadii ay dhacdo inay saraakiisha xamaas u guuraan ciraaq ay adkaan doonto sii socoshadooda iyadoo tan aysan xataa u wanaagsanayn xamaas oo doonaysa heshiiska maxaabiista inay u bedelaan mid soo afjara dagaalka.