Gudoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyada federaalka soomaaliya aadan maxamed nuur(madoobe) ayaa maanta shir gudoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa tobnaad ee labbada aqal ee BJFS.
Kulanka oo ajandahiisa ahaa aqrinta seddexaas iyo ansixinta habraaca dib u eegista dastuurka KMG ee jamhuuriyada federaalka soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay habraaca iyo sida ay ugu wada shaqayn karaan baarlamaanka labbadiisa aqal.
Kooramka guud ee golaha waxaaa uu ahaa boqol iyo siddeetan iyo afar oo golaha shacabka ah iyo soddon iyo lix oo aqalka sare ah,waxaana ogolaaday labbo boqol iyo hal waxaana uu guddoomiyaha ku dhawaaqay in sidaasi uu ansax ku yahay habraaca wax ka beddelka dib u eegista dastuurka KMG.