Xafiiska qaramada midoobay ee soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar maleeshiyada kooxda al shabaab ay u adeegsatay hoobiyaal qasaare gaystay oo lagu qaaday xerada xalane ee magaaladda muqdisho.
Inta la xaqiijiyay weeraka hoobiyaasha waxaa ku dhintay mid kamid ah ilaalada qaramada midoobay kaas oo ku sugnaa dhismaha xafiiska qaramada midoobay oo ku yaala agagaarka garoonka aadan cadde,sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska qaramada midoobay ee soomaaliya.
Maleeshiyada al shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaan hoobiyaasha loo adeegsaday,mana ahan markii ugu horaysay oo ay kooxdu weerar noocaan oo kale ah ku qaado xerada xalane ee magaalada Muqdisho.